Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Madax Caan ah iyo Siyaasiyiin ka hor yimid Heshiiskii Doorashooyinka ee Madasha Qaran (Akhriso)

    Madax Caan ah iyo Siyaasiyiin ka hor yimid Heshiiskii Doorashooyinka ee Madasha Qaran (Akhriso)

    May 29, 2023Updated:May 29, 20233 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madax hore, siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Musharixiintii la tartamay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hor yimid heshiiska Madasha Qaran ku gaareen wax ka bedelka nidaamka dowladnimo iyo Doorashooyin qof iyo cod ah.

    Qoraalka waxaa ku saxiixan 9 xubnood oo isugu jira madax hore iyo siyaasiyiin caan ah, waxayna kala yihiin:

    1- Shariif Sheekh Axmed

    2- Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke

    3- Xasan Cali Kheyre

    4- C/weli Sheekh Axmed

    5- C/weli Cali Gaas

    6- Shariif Xasan Sheekh Aadan

    7- Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed

    8- C/qaadir Cali Cosoble

    9- Dr. C/naasir Cumar Cabdulle

    Hoos ka akhriso Qoraalka siyaasiyiinta iyo madaxda hore

    “Annagoo ah mas’uuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxaan soo dhawaynaynaa in dalka la gaarsiiyo hannaan doorasho qof iyo cod ah iyo xisbiyo badan, waxaanna aaminsannahay in ay tahay dariiqa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku heli karaan xuquuqdooda kuna gudan karaan waajibaadkooda siyaasiga ah kuna dooran karaan dadka matela, taas oo xoojinaysa dowladnimada iyo dimoqraadiyadda, balse aan u cadeyneyno dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

    1. In Golaha wadatashiga Qaran oo aysan u dhammayn madaxda maamullada dalka ay soo saaraan go’aanno siyaasadeed oo taabanaya masiirka dalka, ay khatar gelin karto midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxaan ku baaqaynaa in go’aanada massiriga ah ee dalka laga qayb geliyodhammaan dowlad gobaleedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshadaSoomaaliyeed.
    2. In qaar ka mid ah qodobbada ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ay yihiin kuwa baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen, sidaas daraadeed waxaan soo jeedinaynaa in wax ka beddelka qodabada dastuuriga ah ee dalka ay shaqadooodu kasoo billowdaan hay’adaha u astaysan lagana tala geliyo bulshawaynta Soomaaliyeed.
    3. In iyadoo aan si qotodheer looga baaraandegin wax kabaddel siyaasadeed lagu sameeyo habka awood qeybsiga iyo hannaanka Dowladnimada dalka, lagana qayb gelin dhammaan qaybaha bulshada waxa ay keeni kartaa dib u dhac, kalsooni darro iyo tafaraaruq bulsho.
    1. Muddada xilhaynta madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyadu waxa ay ku astaysan tahay dastuurka dowladda federaalka iyo dastuuradda dowlad gobaleedyada, sidaas daraadeed waxaan ku baaqaynaa in laga fogaado mudo kordhin heer federaal iyo heer dowlad gobaleed.
    2. In urrurada siyaasadeed ee dalka lagu jaangooyo laba xisbi oo kaliya waxa ay muujinaysaa in dadka Soomaaliyeed aanay fursad u helin rabitaankooda siyaasadeed lana doonayo in awoodda lagu soo koobo koox yar.

    BAAQ

    1- waxaan ugu baaqaynaa baarlamaanka JFS labadiisa aqal in ay ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ayna dalka ka badbaadiyaan damac kasta oo aan u adeegayn danta guud iyo geeddisocodka dowlad dhiska dalka.

    2- In marka hore Dowladdu ay mudnaanta siiso dagaalka Al Shabaab, tallaaba walba oo siyaasadeed oo culeys ku keeni kartana laga fogaado, laguna dadaalo sidii dowladnimada loo gaarsiin lahaa dhulka Shabaabka laga xoreeyay.

    Ugu danbayn waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u kuurgalaan qataraha ka imaan kara go’aamada kasoo baxay GWQ oo baalmarsan dastuurka dowladda federaalka iyo dastuuradda dowladgobaleedyada dalka.

    Doorashada Heshiis Doorasho Sheekh Shariif Top Xasan Kheyre
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFarmaajo oo taageeray Heshiiska Doorashada Madasha Qaran iyo Shardi uu ku xiray
    Next Article Madaxweyne Xasan Sheekh oo Damaanad ka bixiyey Heshiiska Doorashada ee Madasha Qaran

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo