Munaasabad lagu maamuusayo Maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga oo ku beegan June 2, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen madax ka tirsan Golayaasha Xukuuamadda. Baarlamaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Xuska oo ay soo qabanqaabisay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, waxaa ka qeyb galay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, wasiirka warfaafinta, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyo xildhibaanno ka tirsan labada Gole, safiirka Mareykanka iyo safiiro kale, waxaana goobjoog ahaa safiirka martida loo ahaa ee Talyaaniga Mr. Carlo Campanile.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka ayaa Dowladda Talyaaniga ugu hambalyeeyay xuska Maalintan, wuxuuna sheegay in Talyaaniga iyo Soomaaliya ay leeyihiin xariir xooggan oo soo jireen ah.
Laga soo billaabo 1946, Sannad kasta ayaa Dalka Talyaaniga iyo Safaaradaha uu caalamka ku leeyahay waxaa laga wayneeyaa 2-da Bisha June oo ah Maalintii Talyaanigu uu ka guuray Boqortooyada ee uu isu beddelay Jamhuuriyad, waxayna Muqdisho ka mid tahay meelaha xuskaasi ka dhaco.






