Madaxda dalalka Afrika ayaa si weyn u difaacay Agaasimaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO oo weerar uga yimid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku eedeeyay Hay’adda WHO inay ku fashilantay inay waqti hore ka digto halista cudurka Coronavirus, isla markaana ay u janjeerto dalka Shiinaha, wuxuuna hoggaanka Hay’adda ku cambaareeyay inay bixiyeen tallooyin xun oo ku saabsan cudurka saf-marka ah ee Covid-19.
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo xilligan ah guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sheegay in Agaasimaha guud ee Hay’adda WHO General Tedros Adhanom Ghebreyesus uu muujiyey hoggaan heer sareeya oo markii ugu horeysayba uu shaqo wanaagsan qabtay, wuxuuna ugu baaqay madaxda dunida inay iska kaashadaan sidii looga guuleysan lahaa cudurka Coronavirus.
Waxaa kaloo arrintan ka hadlay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo isna sheegay in Agaasimaha Guud ee Hay’adda WHO uu heysto kalsoonida iyo taageerada buuxda ee Afrika, iyadoo dhinaca kale Madaxa Midowga Afrika Moussa Faki ayaa isna ku baaqay in xoogga la isugu geeyo xilligan dagaalka Coronavirus, isagoo taageero buuxda siiyay Agaasimaha WHO.
Agaasimaha WHO Tedros oo hore u soo noqday Wasiirkii arrimaha dibadda Itoobiya ayaa isna iska diiday eedeynta uga timid Madaxweyne Trump, wuxuuna sheegay in Hay’adda WHO ay dal kasta u dhowdahay, isla markaana ay dunida siisay warbixin ku filan oo ku saabsan saf-marka Coronavirus.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagana si buuxda u taageeray agaasimaha hay’adda WHO, isagoo sheegay inuu si hufan u hoggaaminaho dagaalka lagula jiro cudurka Covid-19.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ka jawaabay hadalka Agaasimaha WHO, wuxuuna sheegay in iyadu siyaasadeysay shaqadeeda markii ay u xaglisay Shiinaha, wuxuuna sheegay in lacag ka badan 400 Milyan uu Mareykanku siiyo hay’adda, halka Shiinaha uu bixiyo ilaa 40 Milyan oo Doolar.
Trump ayaa la sheegay in weerarka uu ku qaaday Agaasimaha Itoobiyaanka ah ee Hay’adda Caafimaadka uu salka ku hayo inuu isaga leexiyo eedeyn isaga loo jeediyay oo ah inuu fududeystay cudurka Covid-19.