Madaxda dowladda Federaalka, mas’uuliyiin hore, wasiiro iyo xildhibaano ayaa ka qeyb galay salaadii janaasadda Marxuum C/llaahi Maxamed Shirwac oo xalay ku geriyooday Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisal wasaarihii hore, wasiiro, xildhibaanno, Mas’uuliyiin iyo dadweyne ayaa masjidka Isbahaysiga Islaamka salaadda Janaasada kula tukaday Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa samafaleyaasha u ololeeya nabadda, kana shaqeeya arimaha bulshada, waxaana uu xilligan ahaa Guddoomiaha Guddiga Gurmadka Abaaraaha dalka.
Mas’uuliyiinta iyo Dadweynha ayaa Alle uga baryeyen inuu jannadii Firdows ugu deeqo Marxuum Shirwac oo ka mid ahaa dadkii sida weyn uga soo shaqeeyay u adeegidda bulshada xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.




