Madaxda Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa tacsi wadajir ah u soo diray dowladda Soomaaliya, iyagoo uga tacsiyadeeyay geeridii wasiirkii howlaha guud ee Soomaaliya Cabbaas C/llaahi Siraaji.
Madaxweynaha Dowladda Imaaraadka Sheekh Khaliifa Bin Zayid Ala-nahyaan ayaa tacsi u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoo uga tacsiyadeeday geeridii ku timid wasiir Cabbaas oo ku dhintay is rasaaseyn ka dhacday Muqdisho.
Waxaa kaloo tacsi taa la mida u soo diray madaxweynaha Soomaaliya madaxweyne ku xigeenka dowlada Imaaraadka, ahna Ra’iisal wasaaraha dalkaasi iyo xaakimka Dubai Sheekh Maxamed Bin Raashid Aala-Maktuum.
Sida ay sheegtay wakaalada wararka Imaaraadka waxaa kaloo madaxweyne Farmaajo tacsi soo gaarsiiyay Ninka leh dhaxalka Abu Dhabi iyo ku xigeenka taliyaha ciidamada Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zayid Aala-nahyaan.