Waxaa magaalada Dhuusamareeb ku sugan inta badan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo ka qeyb galaya wejiga saddexaad ee shirka wadatashiga Madaxda ee looga arrinsanayo Nooca Doorasho ee dalka laga qaban karo inta uu dhammaan xilliga dowladda hadda jirta.
Waxaa Galabta gaaray magaalada Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Lafta-gareen, iyo Madaxeeynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare. Waxaa kaloo Dhuusamareeb tegay Guddiga farsamada Shirka Dhuusamareeb 3 oo uu hoggaaminayo Wasiirka Dastuurka Saalax Jaamac.
Waxaa magaalada iyo shirka ka maqan Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Puntland Siciid C/llaaho Deni oo ku maqan dalalka Kenya iyo Jabuuti. Shirka ayaa lagu wadaa inuu furmo Isniinta 17-ka Ogost, iyadoo la sugayo wafdiyada ka maqan shirka.




