Wakiilada Beesha caalamka ee qaabilsan shirka London ayaa madaxda maamul goboleedyada kala hadlay arrinta shirka London.
Shirkan oo ay qabanqaabiyeen Q/Midoobay, Midowga Afrika iyo UK waxaa ka qeyb galay inta badan madaxda maamul goboleedyada oo ay ka mid yihiin madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo ku simaha madaxweynaha Galmudug.
Shirarka loogu diyaargaroobayo shirka arrimaha Soomaaliya ee London, waxaana muuqata in beesha caalamka ay si toos ah ula wareegtay maamulka shirka London, iyadoo la ogyahay in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ay ka heshiiyeen qorshaha lala tegayo shirka London.
SAWIRRO