Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in madaxweynayaasha maamul Goboleeyada ee ku sugnaa halkaasi ay saaka u dhoofeen magaalada Garowe.
Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u dhoofay magaalada Garowe, halkaasoo la sheegay inay uga qeyb gali doonaan aaska Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.
Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb uu isna Berri tegi doono magaalada Garowe, isagoo ka qeybgeli doona aaska Ra’iisal wasaarihii hore Marxuum Xasan Abshir Faarax.
Wejiga labaad ee shirka Dhuusamaareb ayaa lagu wadaa inuu furmo wixii ka danbeeya Khamiista iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ku biiri doono shirkaasi.
