Waxaa magaalada Muqdisho ku wada sugan dhammaan madaxda maamul Goboleedyada dalka oo ku biiray ololaha Doorashada Madaxweynaha ee ka socda caasimadda.
Madaxweynaha Jubbaland oo ugu danbeeyay madaxda maamul Goboleedyada ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, waxaana hore ugu sugnaa Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoorqoor, Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe.
Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ah musharax Madaxweyne ayaa ololaha doorshadiisa ka wada Muqdisho, isagoo taageero ka heysta Madaxweynaha Jubbalanad oo ay leeyihiin isbaheysi siyaasadeed.
Madaxweynayaasha Galmudug iyo K/Galbeed ayaa taageersan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha, waxayna Qoorqoor iyo Lafta-gareen ahaayeen saaxiibada ugu dhow Farmaajo intii ay xilka qabteen.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaaney weli kala caddeyn musharaxa uu dhisi doono, laakiin wuxuu xiriir fiican la leeyahay musharixiinta Maxamed Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Xasan Kheyre.
