Shirka Kismaayo ee madxda maamul goboleedyada ayaa isku raacay inay sameystaan Gole xiriiriyaha oo danahooda ka shaqeeya.
Madaxda maamul Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa shirkooda ka danbeeyay kadib markii ay dowladda Federaalka ku qabsadeen qodob ka mida kuwa ay gaarka u leedahay ee arrimaha dibadda, iyagoo go’aano ka qaatay xiisadda Khaliijka.
Dhismaha Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada iyo dalabkooda ah inay dowladda Federaalka ay kala tashato arrimihii ay gaarka u lahayd waxay howlgab ka dhigayaan Aqalka Sare oo loo sameeyay inuu ilaaliyo danaha dowlad Goboleedyada, ahna hay’ad dastuuri ah oo federaal.
HOOS KA AKHRISO QAAR KA MIDA AWOODAHA AQALKA SARE:
Golayaasha fara badan iyo labada aqal ee Baarlamaanka oo lagu daro golaha madaxda maamul goboleedyada waxaa cad inay caqabad hor leh ku keeni doonaan hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wadani