Kulankii Baarlamaanka ee la filayay inuu maanta qabsoomo ayaa dib u dhac ku yimid, kadib markii Guddoonka Baarlamaanka uu hakiyay shirka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa xildhibaanada ku wargeliyay in dib loo dhigay kulanka Baarlamaanka muddo laba maalmood ah, iyadoo uu shir u socdo Madaxda Madasha Wadatashiga.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in kulamo u socdaan Madaxda Madasha wadatashiga Qaran, ayna fursad siinayaan shirklasi fursad la siiyo, isla markaana dib loo dhigo codeyntii lagu waday kulanka maanta loo qaado heshiiska doorashada 2016.
Madaxda maamulada dalka iyo madaxda sare ee dowladda Federaalka ayaa kulamo xasaasi ah uga socdaan magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay dib u eegayaan heshiiska oo ay wax ka bedel ku sameyn doonaan siiba arrinta la isku heysto ee aqalka sare iyo sida loo qeybiyay.
Wadani.com