Shirkii madaxda Madasha Qaran ayaa maanta oo jimce ah ka furmaya magaalada Muqdisho, kadib markii uu muddo saddex maalmood ah dib u dhacay.
Shirkan oo ay isugu yeertay beesha caalamka kadib qoraal ka soo baxay wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa looga hadlayaa go’aan ka gaarista arrinta ugu weyn ee hortaagan Doorashada oo ah xubnaha Aqalka sare ee Somaliland, waxaase ku soo kordhay arrinta xildhbaanada ay laaleen Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka.
Furitaanka shirka ayaa waxaa looga yeeray xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo madaxda Madasha Qaran ay doonayaan inay warbixin ka dhageystaan, kadib muranka ka dhashay xubnaha ay laaleen.
Beesha caalamka ayaa shalay kulamo la qaadatay Guddiga Xalinta khilaafaadka iyadoo ku taageertay go’aankooda ah xubnaha ay laaleen.
Wadani.com