Shir ay magaalada Garowe ku yeesheen madaxa maamul Goboleedyada saddexda ah ee Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan heshiis ay ku gaareen inay iskaashi sameystaan.
War-mutiyeedka oo u badan iskaashi dhinacyada amniga, siyaasadda iyo Federaaleynta dalka, waxaa qodobkiisa ugu danbeeyay lagu taageeray go’aan ka soo baxay Wasiirada Maaliyadda dhammaan maamul Goboleedyada oo looga hor yimid Sharciga Canshuuraha oo xukuumadda Soomaaliya ay u gudbisay Baarlamaanka Federaalka.
HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA


