Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ku gacan seyray wareegto kasoo baxday Wasiirka ganacsiga xukuumadda Soomaaliya oo la sheega in lagu kala diray.
Agaasimaha guud ee Rugta ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore ayaa sheegay in wasiir Ganacsi oo aan xilka joogin saddex bilood uu sheego inuu kala diro Rugta Ganacsiga, wuxuuna caddeeyay inay ceeb tahay qabka uu wasiiru u maray arrintan.
“Rug aad kala diri karto ma ah tan..Rug aad warqad aad soo saartay aad ku kala diri karto maana.. waa nasiib darro in sanad kasta aan ka jawaabno wasiir ganacsi oo aan saddex bil shaqeyneynin.. waa culeys cusub oo nidaamdarro ah.. Rugta ganacsiga waa sii joogeysnaa, waana jiri doontaa..” ayuu yiri Agaasimaha Rugta ganacsiga oo ka codsaday Ra’iisal wasaaraha xukuumadda inuu arrintaasi fiiriyo.
Wareegto maanta kasoo baxday Wasiirka Ganacsiga ayaa lagu shaaciyey in kala diray Rugtii Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.
