Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Madaxda Shirkada SOMA OIL ee heshiiska kula jirta dowladda Somaliya oo lala xiriiriyay Alshabaab.! (Akhriso Warqada Guddiga UN-ka)

    Madaxda Shirkada SOMA OIL ee heshiiska kula jirta dowladda Somaliya oo lala xiriiriyay Alshabaab.! (Akhriso Warqada Guddiga UN-ka)

    March 12, 2016Updated:March 12, 20163 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga Qaramada Midoobay ee la-socodka  Cunaqabateynta dalalka Soomaaliya iyo Eritereya ayaa dalalka UK iyo NORWAY ka codsaday inay xog ka siiyaan xiriirka isgaarsiinta iyo bangiyada mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Shirkada SOMA OIL oo la baarayo inay xiriir toos ah la leedahay  kooxda Al Shabaab iyo inkale.

    Shirkadda SOMA OIL oo sanadkii 2013 heshiis ula gashay Dowlada Federaalka dhanka sahminta batroolka iyo macdanta Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay lagu eedeeyey warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in shirkadaasi ay laluush ku siisay Dowlada Federaalka dhinaca heshiisyada mashruuca batroolka, isla markaana la sheegay in Dowlada UK ay wax ka ogeyd arrimahan. Shirkadda iyo dowladda Soomaaliya ayaa beenisay arrintaasi iyagoo sheegay inay ahayd taageero farsamo oo caadi ah.

    Madaxa Sare ee shirkada SOMA OIL  Michael Howard oo ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Ingiriiska ayaa hore usoo noqday Madaxa xisbiga talada haya ee Conservative Party. Waxaana weli ku socda baaritaan uu wado xafiiska la dagaalanka musuqmaasuqa ee UK ee  Serious Fraud Office (SFO).

    Warar dheeraad ah ayaa hadda kasoo baxay madaxda ka ah Shirkada SOMA OIL oo  la sheegay in la helay xoog muujineysa in uu jiro xiriir laga shaki qabo oo ay la leeyihiin kooxda AL Shabaab oo guddiga ay baaritaan ku sameeyeen suuragalnimada xiriir uu Alshabaab la lahaa.

    Guddiga Qaramada Midoobay ayaa qoraal bishii lasoo dhaafay ay u direen Dowladaha UK iyo NORWAY ka codsadeen inay kala shaqeeyaan baaritaanka lagu wado qaar kamid ah madaxda Shirkada SOMA OIL.

    Qoraal aan weli la shaacin oo Guddiga Qaramada Midoobay todobaadkan saxaafada u dusiyeen ayaa sheegeysa in ninka lagu magacaabo Hassan Khaire oo ah Soomaali kamida saamileyda shirkada SOMA OIL, isla markaana ah madaxa shirkadaasi ee xafiiskooda AFRIKA, ninkan ayaa heysta basaboor dalka Norway ah aya baaritaanku saameeyay.

    Warqada oo loo diray 7 February 2016 Safiirada UK iyo Norway u fadhiya Qaramada Midoobay inay jawaab kasoo bixiyaan codsiga ka yimid Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Waxaa jirta xog la xariirta isgaarsiinta uu isticmaali jiray Hassan Khaire oo la sheegay inay muujineyso inuu jiro xiriir laga shaki qabo uu la lahaa kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab iyo kooxo kale.

    Guddiga Q/Midoobay ayaa sheegay inay Hassan Khaire ka codsadeen inuu usoo gudbiyo diiwaanka iyo xogta bankiyadiisa si loo eego dhaqdhaqaaqa lacagtiisa balse waa uu diiday Hassan Khaire inuu xogtaasi bixiyo.

    Dowlada Norway oo uu baasaboorkeeda heysto Hassan Khaire ayaa laga codsaday inay usoo gudbiso xogta ninkan ee bangiyadiisa iyo canshuurta uu bixiyo si baaritaanka socda loo dhameystiro.

    WARBIXINTA OO AF-INGIRIIS AH HOOS KA KHRISO

    Guddiga Q/Midoobay ee la -socodka cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa ah guddi muran badan hareeyay oo warbixinadooda intooda badan lagu tilmaamo kuwo hal dhinac ah oo mar waliba hortaagan in Soomaaliya ay ka baxdo xaalada ay ku jirto.

    WARKAN OO AF-INGIRIIS AH HALKAN KA AKHRISO

    Wadani.com

    FADEEXAD Hassan Khaire HAWARD Michael Howard Soma Oil
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCabsi dhinaca ammaanka ah & Amarro lagu soo rogay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo
    Next Article UN Investigates Director Of Oil Firm Chaired By Michael Howard For “Possible Extremist Links”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo