Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Madaxda Soomaalida oo aan u kala harin Tacsida iyo Baroor-diiqda Geerida Boqoradii Ingiriiska

    Madaxda Soomaalida oo aan u kala harin Tacsida iyo Baroor-diiqda Geerida Boqoradii Ingiriiska

    September 9, 2022Updated:September 9, 20223 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxa kala duwan ee Soomaalida ayaa iyagoon u kala harin tacsi u diray qoyska boqoradii Ingiriiska Queen Elizabeth II oo shalay geeriyootay iyadoo 96 sano jir ah, waxayna u sameeyeen baroordiiq kala heer ah.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu horeeyay madaxda dirtay tacsidayaa bartiisa twitterkauga hadlay geerida boqoraddii dalkaas Queen Elizabeth II.

    “Aniga iyo qarankaykuba waxaanu tacsi u diraynaa xukuumadda, shacabka iyo qoyska boqortooyada UK, annaga oo ka tacsiyadaynayna, geerida ku timi Queen Elizabeth II. Boqoraddu waxay qarankeeda iyo shacabkeedaba ku meteshay, gudaha dalkeeda iyo masraxyada caalamkaba sharaf iyo karaamo intii ay xukunka [boqortooyada] haysay” ayaa lagu yidhi qoraalkiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna farriintiisa tacsida ku qoray: “Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda iyo kan shacbiga Somaliland, waxaan tacsi u dirayaa qoyska boqortooyada iyo shacabka dalka Ingiriiska geerida, ku timid Boqorada Queen Elizabeth II. Dedaalkeedii ku aaddanaa adeegga arrimaha bulshada iyo hoggaaminteedii aan leexleexadka lahayn, waa tallaabo dhiirigelin doonta jiilasha soo socda”.

    Dhinaca kale madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka isna ku yiri: “Waxay ahayd arrin murugo weyn leh inaan maqalnay geerida Queen Elizabeth II. Aniga oo ku hadlaya magaca guud ahaan qaranka Djibouti, waxaan tacsi tiiraanyo leh aan u diraynaa qoyska boqortooyada, xilligan lagu jiro baroordiiqda, annaga oo sidoo kale tacsi u dirayna shacabka dalka Ingiriiska”.

    Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Xamza Cabdi Barre ayaa ka mid ahaa madaxda Soomaalida ee farriimaha tacsida iyo baroordiiqda ah u diray Qoyska Reer Boqor ee Ingiriiska.” Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska boqortooyada iyo shacabka Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska geeridii ku timid Boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth II. Dunidu waxay xasuusan doontaa sida ay ugu heellanayd u adeeggida dadkeeda, joogitaanka quruxda badan iyo hoggaaminta joogtada ah” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ra’iisal wasaare Xamza.

    Siyaasiga iyo Xildhibaan ka mida Golaha Shacabka oo heysta dhalashada UK, Cabdiraxmaan C/shakuur Warsama ayaa farriin tacsi ah oo uu ogeysiiyey Safaaradda UK ee Muqdisho ku yiri: “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Shacabka & Dowladda Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska geeridii ku timid Boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth. Boqoraddu waxay nolosheeda u hibaysay hoggaan adag. Dareenkeygu wuxuu waqtigan adag la jiraa qoyska Boqortooyada, iyo dadka Boqortooyada Ingiriiska”

    Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo isna ah Somali-Biritish ayaa tacsidiisa u dhigay: “Aad ayuu uga xumaaday markii aan maqlay geeridii Boqoradda Queen Elizabeth II. Waxay qortay taariikh cajiib ah waxayna ka tagtay dhaxal yaab leh oo lagu xasuusan doono xooggeedii, xasilloonideeda & fadligeeda. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska Boqortooyada & Shacabka UK waqtigaan murugada ee geerida boqoradda”.

    Queen Elizabeth II Somali president Somalia UK
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBoqoradii ugu waqtiga dheereyd Dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II oo Geeriyootay
    Next Article Ciidamada Dowladda oo Alshabaab kala wareegay Degaan muhiim oo ka tirsan Hiiraan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo