Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Madaxdii Qarsooneyd ee Daacishta K/Soomaaliya oo lasoo taagay Maxkamadda Milateriga [Daawo Sawirro]

    Madaxdii Qarsooneyd ee Daacishta K/Soomaaliya oo lasoo taagay Maxkamadda Milateriga [Daawo Sawirro]

    July 28, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamadda Darajada koowaad ee dalka ayaa maanta dhageystay dacwad lagu soo oogay horjoogayaal ku eedeysanaa inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo ah rag waaweyn.

    Eedeysanayaasha ayaa kala ahaa Mahad Maxamuud Cabdi oo loo yaqaan (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame oo isna loo yaqaan  (Dr. Raage)  ayaa loo heystaa inay ka mid ahaayeen hor-joogayaasha kooxda Daacish.

    Ninka lagu magacaabo Mahad Maxamud Cabdi  ayaa dadaal ugu jiray sidii uu Soomaaliya uga aasaasi lahaa koox cusub oo Daacish ah oo ka madax bannaan kooxda Daacishta ah ee uu hugaamiyo Cabduqaadir Muumin oo ka howlgasha buuraha Gobollada Bari.

    Ninkan ayaa Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu soomaaliya ku soo gaari lahaa, wuxuuna heystaa dhalashada dalka Ruushka oo uu muddo ku maqnaa, wuxuu sidoo kale ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa dalka Syria,  isagoo ugu dambeyn ku biiray  kooxda Daacish uu ka mid noqday kuwa ugu sarreeya, balse mar dambe oo ay is qabteen hor-joogaha kooxda Daacish  ayuu  go’aansaday in uuu aas-aaso koox kale.

    Waxyaabaha gaarka ah oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa ka mida warqad uu u qoray horjoogaha ugu sarreeya kooxda Daacish, taasi oo uu ku gudbinaya cabashada ay ka wadaan horjooge Cabduqaadir Muumin, waxyaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah;-

    Hoggaan xumida hoggaamiyaha kooxda, Qorsha la’aanta howlahooda iyo Howl-galladooda, ku baahid la’aanta dhul ballaaran sida Koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale.

    Ninka labaad ee Maxamd Daa’uud Daahir Warsame, oo Magiciisa Af-garashada yahay  (Dr. Raage)  ayaa isna lagu eedeeyay inuu ahaa madaxa maaliyadda kooxda, sidoo kale  ahaa caawiye xagga caafimaadka ah ayaa caddeymaha Maxkamadda lala keenay waxaa ka mida Akoonada Lacageed ee uu isticmaalay iyo shirkadihii uu ka isticmaali jiray lacagaha.

    Farsamooyinka ay ka mid yihiin kala bedalidda xawaaladaha, sameynta akoonno kala duwan oo loo  sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha inuu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday.

    Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganta  qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah.

    Qareenada u doodayay eedeysanayaasha  ayaa  maxkamadda ka hor sheegay  in aysan wakiiladooda   diidaneyn ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish balse ay ka  laabteen fikirkaas, sida mid ka mid ah qoraalkiisa cadeymaha uu ku cadeeyay hor-joogayaashan.

    Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida  G/sare  Xasan Cali Nuur Shuute ayaa  soo xiray fadhiga Maxkamadda, wuxuuna u sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in Maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.

    Horjoogeyaashan oo aan aheyn dad dhallinyaro la marin habaabiyey ayaa doonayey inay maskaxda dhallinyaro Soomaaliyeed   lumiyaan si ay ugu adeeggaan argagixiso aan arxan iyo aragti toona  lahayn.

     

    Daacish ISIS Maxkamadda Ciidamada Muqdisho Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAgaasimihii hore ee Madaxtooyada Somalia oo ka digay xiriirka Cusub ee Somaliya & Eritrea [Akhriso Laba Qodob]
    Next Article DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Asmara

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo