Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhoofay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaarihii hore, wasiiro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda xilgaarsiinta, iyagoo kusii jeeda Boqortooyada Sacuudiga.
Sheekh Aadan Madoobe, Maxamed Xuseen Rooble iyo mas’uuliyiinta kale waxay sanadkan gudanayaan waajibaadka xajka oo inta badna madaxda dowladda Federaalka iyo xildhibaannada ay sanad kasta isu qoraan.
Baarlamaanka ayaa dhowaan fasax la geliyey ku dhowaad 3 toddobaad, waxaana xajka sanadkan tiro yar loo qoondeeyay Soomaaliya ka qeyb galaya mas’uuliyiin badan oo ka tirsan labada gole.
Safarka Sheekh Aadan Madoobe iyo wasiirada badan ee xukuumadda xilgaarsiinta ayaa kusoo beegmaya iyadoo sidoo kale dalka ka maqan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh oo socdaal ku jooga dalka Turkiga, waana markii labaad ee Sheekh Aadan Madoobe iyo Xasan Sheekh ay dalka ka wada maqnaadaan muddo bil gudaheed ah.
Waxaa isla maanta Muqdisho ka dhoofay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guleed oo magaalada Nairobi uga qayb galaya meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD oo Berri ka dhici doona magaalada Nairobi.
Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka koowaad Sacdiya Yaasiin ayaa mar kale noqotay ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya, taasoo ka dhalatay inay dalka ka wada maqan yihiin Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

