Madaxii hore ee Hay’adda Dembi baarista Mareykanka FBI ninka lagu magacaabo James Comey ayaa si kulul u weeraray madaxweynaha talada haya ee dalka Mareykanka Donald Trump.
Comey ayaa sheegay in in Donald Trump aanu akhlaaq ahayn qaban karin kuna habooneyn inuu madaxweyne ka noqdo dalka Mareykanka, wuxuuna sabab uga dhigay inuu yahay shaqsi akhlaaq xun. been badan, isla markaana hab dhaqankiisa haweenka uu yahay mid aad u xun.
Wareysi uu siiyay telefioshanka ABC ayuu James Comey ku sheegay in madaxweyne Trump caqli ahaan meel dhexaad yahay, balse hab dhaqankiisa aanu u suubaneynin inuu hoggaamiyo Mareykanka.
Comey oo uu xilka la eryay Trump ayaa sheegay inay dhici karto in Ruushka ay sir ka hayaan Trump oo ay ku cabsi gelin karaan, lagana yaabo inuu madaxweyne Trump hor istaagay cadaaladda.
Comey ayaa xayeysiin u sameynaya Buug uu ka qoray Donald Trump oo ku saabsan hab dhaqanka madaxweynaha Mareykanka, waxaana uu weerar celin xoog leh kala kulmay madaxweyne Trump oo bartiisa twiter-ka ku sheegay in Comey uu yahay beenaale ku kacay khiyaamo oo ay tahay in la xiro.