Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay inuu isbedel ku yimid mowqifkii dowladda Soomaaliya ee kiiska dacwadda Badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya.
Qoraal uu faafiyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada ayaa lagu yiri: “Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ…”
Agaasimaha C/nuur Maxamed ayaa sheegay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah ee laga faafiyey arrintan, waxayna arrintan soo baxday markii baraha bulshada lagu faafiyey in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmajo uu tegayo dalka Itoobiya oo uu ka dhacayo shir lagu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Madaxda dowladda Somalia ayaan si cad u muujin bareerahooda ku aadan dacwadda Kiiska Badda ee hortaalla Maxkamadda ICJ, waxaana jiray dalal dadaal ugu jiray in xal meel dhexaad ah loo helo dacwadan.