Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa xayiraad ku soo rogtay Saxafiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho ee tebiya dhacdooyinka maalmeed, kadib markii loo diiday inay ka qeyb galaan soo dhoweyntii maanta loo sameeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigii la socday.
Madaxtooyada Soomaaliya qeybteeda warbaahinta ayaa xarumaha warbaahinta oo u badan TV-yada waxay u sheegtay inaan loo ogoleyn saxafiyiin, basle ay soo dirsan karaan oo kaliye muuqaal-qaadayaasha (Camerman), taasoo keentay inay weriyeyaasha awoodi waayaan tebinta dhacdadaasi, waxayna Camera-man-yada loo ogolaaday sheegeen in cadaadis la saaray oo iyaguna ay awoodi waayeen inay helaan muuqaallo wanaagsan.
Saxafiyiinta ayaa tallaabadan ku eedeeyay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo mar kale hor istaagay in warbaahinta madaxa banaan ay si buuxda uga qeyb galaan tebinka wararka la xiriira Imaatinka Madaxweyne Ismaaciil Cumar geelle, iyadoo weliba sidoo kale xayiraad kale ku soo rogay xaflad caawa ka dhaceysa Muqdisho, iyadoo kaliya loo ogolaaday muuqaal-duubeyaasha.
Dhinaca kale Telefishanka cusub ee kooxda N&N oo Madaxtooyada laga leeyahay-DALKA TV- ayaa si weyn u tebiyay soo dhoweyntii Madaxweynaha Jabuuti, iyadoo fursado u gaara la siiyey, waxaana telefishankan la sheegay in laga leeyahay madaxtooyada, inkastoo maamulaha TV-ga uu beeniyay arrintan.