Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»Madaxtooyada Puntland oo faafisay Sawirada Gaas iyo Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya

    Madaxtooyada Puntland oo faafisay Sawirada Gaas iyo Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya

    August 23, 20162 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxtooyada Puntland ayaa faafisay war ku saabsan socdaalka madaxweynaha maamulkaas C/weli Gaas ku joogo dalka Itoobiya iyo sawirro laga soo qaaday shirar uu la yeeshay madax Itoobiyaan ah.

    Madaxweyne Gaas oo la hadalhayay inuu degdeg u tegayo magaalada Gaalkacyo oo qaraxyadu ka dhaceen ayaa sawirrada muujinayaan isagoo kulamo la leh saraakiil Itoobiyaan ah oo uu ku jiro wasiirka Gashaandhigga Itoobiya Siraji Fegressa iyo madaxweynaha Kilinka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar.

    C/weli Gaas oo isaga daba laabta Itoobiya, ahna hogaaminaya ugu horeeya tegista Itoobiya ayaa sidan oo kale xilligii Alshabaab weerartay Itoobiya ku sugnaa Itoobiya, isagoo shirar la lahaa isla saraakiisha uu safarkan kula kulmay, waxaana xilligaasi aad uga soo dib dhacay ku laabashada Puntland oo xaalada dagaal oo halis ah ku jirtay.

    HOOS KA AKHRI WARKA MADAXTOOYADA PUNTLAND


    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Deeq Saleebaan Yuusuf oo hawlo shaqo oo muhim ah u jooga dalka Itoobiya ayaa kulamo kala duwan la qaatay xubno ka mid ah madaxda ugu sarraysa dalka Ethiopia.

    Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Gaashaan dhigga dalka Itoobiya SIRAJI FERGESSA, waxaana ay Madaxweynaha iyo wasiirku ka wada hadleen sidii laysaga kaashan lahaa ka hor tagga kooxaha aragagixisada ah ee kusii xoogaysanaya geeska Afrika iyo sidii ay dawladda Itoobiya gacan uga geysan lahayd taba baridda ciidanka Puntland.

    Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa dawladda Itoobiya kala hadlay in ay gacan ka geystaan dedaallada lagula tacaalayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii bahal-nimada ahaa ee dadkii shacabka ahaa lagula bar-tilmaameedsaday magaalada Gaalkacyo, sidoo kale waxa ay labada dhinac ka wada hadleen in la dhammaystiro hawlaha qabyada ka ah kastamka Tuurdibi ee u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya.

    Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay ganacsato kasoo jeeda dalka Shiinaha kuwaas oo Qaaradda Afrika ka hirgeliyey maal-gelin aad u ballaaran, waxaana uu Madaxweynuhu u sharraxay ganacsatadaan fursadaha maal-gashi ee ka jira Puntland iyo siyaasadda ay dawladda Puntland u dejisey hannaanka maalgashiga caalamiga ah.

    Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa kulan qado sharaf ah la qaatay Madaxweynaha dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee dawladda Federaalka Itoobiya Cabdifataax Cabdullaahi, Maayorka Degmada Dirir dhaba Ibraahim Cismaan Faarax iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Itoobiya.

    Gaas-addisGaas-addis1Gaas-addis2Gaas-addis3

    Wadani.com

    C/weli Gaas Itoobiya Puntland SIRAJI FERGESSA
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ka hadlay Xaaladda Dalka & arrimaha Federaalka
    Next Article Ilhan Omar, marriage, and Somali culture: FAQ

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo