Madaxtooyada Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dagaallada ka socda magaalada Boosaaso, iyadoo eedeyn u jeedisay agaasimaha xilka laga qaaday ee Hay’adda PSF.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada Puntland ee Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni ayaa lagu sheegay inay Dowladda Puntland mar wal ba ka go’an illaalinta dowladnimada ku dhisan sareynta sharciga.
“Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in Agaasimihii hore ee PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso, asagoo si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada Puntland.
Deni ayaa ku adkeystay in xilka laga wareejiyo Maxamuud Cismaan C/llaahi Diyaano, xal nabadeedna lagu dhammeeyo xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF.
“Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa in ay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, Dowladduna waxay qaadaysaa wixii tillaabooyin lagu fududeynayo dadaalada socda”.
