Madaxtooyada Puntland ayaa War Cad kasoo saartay Dagaal saaka ka dhex qarxay ciidamada maamullada Puntland iyo Somaliland ee isku hor fadhiyay degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.
Qoraal laga soo saaray xafiiska Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo hadda ku sugan magaalada Baydhaba ayaa dagaalka lagu eedeeyay inay soo qaaday Somaliland, waxaana beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed lagu wargeliyay in Puntland aysan wadin wax dagaal ah, arrintaasi ka masuul yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA