Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa iska fogeysay War kasoo yeeray Jen. C/raxmaan Maxamed Xuseen (Guulwade) oo ku saabsanaa in duulaankii dowladii Milateriga ku qaaday degaanada Waqooyi Galbeed uu ahaa mid sax ah.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiinadalka Danjire C/raxmaan Guulwade, waxaana lagu sheegay inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa midna.
“Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid ka fog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhan yahay…” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caddeysay in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.
Danjire C/raxmaan ayaan weli isagu ka hadalin arrintan, waxaana hore loo shaaciyey inuu u gefay maamulka Puntland, iyadoo ay xubno ka mida guddiga sheegeen inuu ka cudurdaartay.