Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay War ku saabsan Biyo xireenka GERD ee Itoobiya ka dhistay Webiga Nile, kaasoo ay isku heystaan dalalka Itoobiya iyo Masar.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariin Cali Kaar ayaa sheegay in wadahadalladii dhex-maray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar aan lagu soo qaadin arrinta Webiga Nile iyo biyo xireenka Itoobiya.
“Shirka jaraaid ay qabteen labada madaxweyne & wadahadalkooda ma jirin qodob si gaar ah ugu saabsan arrintaan ma jirin. Webiga Nile wuxuu maraa dalal badan, mowqifka Dowladda Soomaaliya wuu cad yahay waana in si nabad ah looga faaiideyso iyada oo la raacayo xeerarka & heshiisyada Caalamiga ah” ayuu yiri Cabdikariin Cali Kaar.
Afhayeenka ayaa sheegay inuu jiro go’aan 2021-kii ka soo baxay Qaramada Midoobay oo ay ku wada qanacsan yihiin dalalka uu maro wabiga Nile, arrintaasina ay raacsan yihiin oo ay xal u arkaan in nabad lagu dhammeeyo.
“Wabiga Nile waxa uu maraa dalal badan mowqifka dowladda Soomaaliya wuu cadyahay iminkana waa kuu caddeynayaa mowqifka dowladda Soomaaliya waa in si nabad ah looga faa’iideystaaa biyaha wabiga Nile, ayada oo la raacayo xeerarka caalamiga ah,”ayuu yiri afhayeenka Madaxweynaha oo u warramay BBC-da.
Madaxweynaha Masar ayaa khudbadiisa ku soo qaaday Arrintan, isagoo soo xigtay in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya isla qaateen in dalna aanu iskiis go’aan uga gaarin webi dhex mara dalal badan, taasoo noqotay cinwaan weyn oo ay faafiyeen warbaahinta, kadibna ay fasiraad ka bixiyeen taageraayaasha Farmaajo.
