Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxtooyada Somaliya oo war kasoo saaray kulankii Safiirada Golaha Ammaanka & Madaxweynaha

    Madaxtooyada Somaliya oo war kasoo saaray kulankii Safiirada Golaha Ammaanka & Madaxweynaha

    May 20, 20163 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Madaxtooyada Somaliya oo war kasoo saaray kulankii Safiirada
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay kulankii dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirada dalka xubnaha ka ah Golaha ammaanka oo booqasho maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho.

    HOOS KA AKHRI


    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xaqiijiyey in doorashooyinka Soomaaliya ay dhici doonaan xilliga loogu talagaley oo ah bisha August ee sannadkan 2016­ka.

    Madaxweynaha waxaa uu hadalkan ka jeediyay magaalada Muqdisho oo uu kula kulmey danjireyaasha waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo manta dalka booqasho ku yimid.

    Wafdiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u kuurgalaya hawlaha qabanqaabada doorashada dalka ka dhacaysa iyo tas­hiilaadka ay Dowladda Federaalka u baahan doonto si hawshaasi looga mira dhaliyo.

    Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ogsoon yahay in waqtiga inoo haray uu yar yahay, balse heshiiskii madasha ee bishii hore la gaarey uu dhigayey in Baarlamaanka uu meel mariyo, sidaa darteedna uu filayo in mudaneyaasha Baarlamaanka ay arrintaasi fududeyn doonaan.

    “Waxaan sameyney horumar la taaban karo. Waxaa guusha horumarka aanu gaarney uu mira dhal noqon doonaa marka aan la imaano tanaasul, isla markaana aan meel marino doorashooyinka taariikhiga ah ee loo ballansan yahay. Waa inaan ku dadaalnaa intaan kari karno in hannaanka siyaasadda dalka ay cid walba ay iska dhex aragto, lagana dhigo barnaamij loo wada dhan yahay’’,  ayuu yiri Madaxweynaha.

    Dhanka kale waxaa uu Madaxweynaha ku booriyay shacabka inay muujiyaan kalsooni iyo dulqaad. “Waxaan khasab ah in Soomaalida ay ka xorroobaan fikirka ku saleysan isku tanaasul la’aanta, kaas oo dhalinaya is aamin la’aan dhexdeena ah. Waa inaan ka shaqeynaa sidii aan mashaakilaadkeena xal caadil ah ugu heli lahayn’’, ayuu raaciyay Madaxweynaha.

    Waxaa u Madaxweyne Xasan Sheekh intaa ku darey in loo baahan yahay in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ay gacan ka geystaan sidii loo diyaarin lahaa barnaamij lagu soo afjarayo hawlgalka Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, tallaabadaasina ay ku xirnaan doonto in si hufan loo dhammeystiro dhismaha iyo isku dhafka ciidanka Soomaaliya.

    Waxaa uu Madaxweynaha hadalkiisa ku soo gabagabeeyay codsi uu u diray Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka oo ah in la maalgeliyo barnaamijka doorashada iyo in dhalinyarada Soomaaliyeed la baro xirfado kala duwan oo ay ku shaqeystaan.

    Ergada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo iyaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jirey ugu baaqey inaan la dayacin fursadda taariiikhiga ah ee dalka doorashooyin ay uga dhacayaan, lagana fogaado in waqtiga uu ka lumo, maadaama muddada harsan ay aad u yar tahay.

    Waxaa Golaha uu sidoo kale soo dhoweeyay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, dimoqraadiyeynta iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa kulanka uu la yeeshay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku wehliyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

    Ka hor kulanka xubnaha Golaha Ammaanka, waxaa uu Madaxweynaha khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka, isagoo ku booriyay inay dedejiyaan ansixinta hannaanka doorasho ee sannadka 2016­ka.

    ——————–DHAMMAAD–———————

    Daud Aweis

    Afhayeenka Madaxtooyada

    Madaxtooyada Somaliya Safiirada Golaha Amaanka Safiirada golaha ammaanka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleUhuru defends the building of a wall along Kenya-Somalia border
    Next Article Midowga Yurub oo hanjabaad culus u jeediyay dowladda Soomaaliya, kuna baaqaya faragelin

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo