Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxtooyada & Wasaaradda Warfaafinta oo 24 saac ku qaadatay inay war ka qoraan Madaxweynaha

    Madaxtooyada & Wasaaradda Warfaafinta oo 24 saac ku qaadatay inay war ka qoraan Madaxweynaha

    April 1, 2016Updated:April 3, 20163 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxtooyada Soomaaliya, wasaaradda Warfaafinta iyo kooxda madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Warfaafinta ayay ku qaadatay inay war ka sameeyaan oo ay saxaafadda u qeybiyaan khudbadii Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay xafladii xalay ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir ee loogu magac daray: “DALKAAGA DHISO”.

    Madaxweynaha ayaa xafladaasi ka sheegay inay socdaan howlgal ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa saaxiibada la ah oo lagu beegsanayo Alshabaab, waxaana barta twitter-ka ee Villa Somalia la soo geliyay war af furan oo aan la fahmi karin kaasoo laga soo qaatay khudbada Madaxweynaha, laakiin waxaa la yaab lahayd in goor dhoweyd madaxtooyadu qeybisay  warkii madaxweynaha ee xafladii xalay, taasoo caddeyn buuxda u ah heerka uu marayo caajiska iyo fadhiidnimada ka jirta madaxtooyada guud ahaan iyo xubnaheeda warfaafinta u qaabilsan oo u muuqda in xaalad kala guur ah oo hordhac ay galeen.

    Madaxweynaha: "Faahfaahinta jabka loo geystey cadowga weerarka caawa ku socda goor dhow ayaad maqli doontaan"

    — Villa Somalia (@TheVillaSomalia) March 31, 2016

    Madaxweynayaasha maamulada dalka ka jira qaarkood ayaa aad uga shaqo badan Madaxtooyadda Villa Soomaaliya oo marka lagu daro Wasaaradda Warfaafinta awoodi waayay inay madaxweynaha wararkiisa si fiican dadka u gaarsiiyaan.


    HOOS KA AKHRI WARKII MAARSO EE MADAXWEYANAHA OO APRIL LA SOO DIRAY

    Muqdisho, 1st April 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa ku dhiirigeliyay shacabka Soomaaliyeed inay iskood wax u qabsadaan, waddankoodana dhistaan.

    Madaxweynaha ayaa hadalkan xalay ka jeediyay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu si rasmi ah daaha uga rogay mashruuc la magac baxay “Dalkaaga ku dhiso hal dollar’’.

    “Waxaan ku bogaadinayaa maamulka gobolka Banaadir mashruucan cusub ee uu bilaabay ee salka ku haya dib u dhiska waddanka. Doorka ugu weyn ee dib u dhiska dalka waxaa iska leh Soomaalida. Marka la ina arko inaan wax qabsan karno ayaa caalamkuna uu gacan na siin karaa’, ayuu yiri Madaxweynaha.

    Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey maamullada kale ee dalka ka jira inay ku daydaan mashruucan oo degaannadooda ay ka hirgeliyaan, si loogu guuleysto hadafka dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u diray Soomaalida ku nool dalalka dibedda inay xoogga saaraan dib u dhiska waddankooda.

    Mar uu ka hadlayey arrimaha amniga Madaxweynaha waxaa uu sheegay in nabad-diidka Al Shabaab ay isku dayayaan inay dib u celiyaan Soomaaliya, balse aanay taasi marnaba dhici doonin, maadaama shacabka Soomaaliyeed uu doonayo nabad iyo horumar.

    “Soomaaliya way socotey, dibna u soo laaban mayso. Falalka argagixisada marnaba nagama leexin karaan waddada aan dooraney ee dhinaca nabadda iyo horumarka. Argagixisada waxay weli faraha kula jiraan falal gurracan oo shacabka iyo martida inoo soo gurmatey ku waxyeeleynayaan. Caawa masjid ku yaalla Beled Weyne qarax ayay ka geysteen, subaxnimadii maanta qarax ayay ka geysteen Gaalkacyo, shaleyna dad isugu jira Soomaali iyo ajaanib waddankan wax u qabanaya ayay Muqdisho ku laayeen’’.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaska , ehelada iyo dalalka ay ka soo jeedaan dhammaan dadkii ku dhintey, amaba ku dhaawacmey weeraradaasi bahalnimada ah.

    Waxaa kale oo uu Madaxweynaha xusay in sannadkan 2016-ka ay Soomaaliya doorashooyin ka dhici doonaan, dowladda cusub ee la soo dhisayana waxqabadka laga sugayo ay ugu muhiimsan tahay inay waddanka u diyaariso doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhaca sannadka 2020-ka.

    125678

     Dhammaad
    Madaxweynaha Villa Somalia Warka madaxweynaha Wasaaradda warfaafinta Xafladii Gobolka Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO: Galmudug oo soo bandhigtay maxaabiis Ajnabi ah oo Alshabaab laga qabtay
    Next Article Dowladda Somaliya & Mareykanka oo isku qabsaday cidda dishay Sarkaalkii Amniyaadka Alshabab

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo