Madaxda dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqay in dalka Soomaaliya uu galeyo xaalad dagaal wixii ka dambeeya 21-ka Oktoobar 2017.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa si hordhac ah u sheegay in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu isugu yeeray kulan wajir ah oo labada Aqal ee Baarlamaanka ay yeeshaan Sabtida si uu khudbad uga jeediyo, halkaasoo uu ka shaacin doono xaalad dagaal oo looga horjeedo Alshabaab.
Laba gole ee baarlamaanka ayaa shaki la’aan ku waafiqi doona madaxweynaha dagaalka uu hoggaamin doonao, waxaana la sheegaya inuu madaxtooyo iyo talis dagaal ka sameysan doono degmada Afgooye ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ciidamo hordhac ah ay gaareen.
Wararka ayaa sheegaya in heegan buuxa la gelinayo Ciidamada kala duwan, iyadoo dagaalka ugu weyn uu ka bilaaban doono gobolka Shabeelada Hoose oo ah halka ugu weyn ee Alshabaab ka soo abaabulaan Qaraxyada Muqdisho.

Diyaargaarow dagaal oo weyn ayaa u baahan dhaqaale iyo ciidan heysta saanad buuxda, iyadoo dhowaanahan ay jireen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka baxay goobo ay hore uga qabsadeen.
AMISOM iyo Mareykanka ayay dowladda Soomaaliya wadahadal la gashay si dagaalku u noqon lahaa mid ay iska kaashadaan, waxaana la filayaa in codsigaasi ka jawaabaan. Xaaladda dagaal ee Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqayo Sabtida ayaa si aan la sii qorsheyn ugu beegantay 21-ka Oktoobar oo ah maalintii uu dalka ka dhacay kacaankii ciidamada ee uu hoggaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre.
Wadani