Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isbedal ku sameeyay qar ka mida taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo xilkii ka qaaday taliye kuxigeenkii ciidamada Milateriga.
Isbedelkan ayaa saameeyay Taliye ku-xiggeenka ciidanka Xoogga Dalka oo loo magacaabay Jeneraal Cabaas Amiin Cali, kaasoo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka dhulka, halka Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS loo magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, waxaana Taliye ku-xigeenka Ciidamada Dhulka loo magacaabay Col. Xuseen Xoosh.
Lama shaacin wareegtada xil ka qaadsita taliye ku xigeenkii ciidamada xoogga dalka iyo taliyeyaasha la kala bedelay, waxaana kaliya ay warbaahinta dowladda sheegtay inay maanta xilalkii la kala wareegeen, iyadoo xil wareejintu ka dhacdayy xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa noqday madaxweynihii isbedellada ugu badan ku sameeyay Ciidamada Xoogga Dalka, taasoo keentay in talisyada qaarkood ay sanadkiiba yeeshaan laba taliye.
