Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ayaa dalbaday in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo lagu wado in la qabto 10-ka Bisha April.
War-saxaafedeed laga soo saaray xafiiska Madaxweynaha Ahlu suna Sheekh Shaakir Cali Xasan ayaa lagu sheegay inay doonayaan in dib loo dhigo Doorashada, si ay ugu suuragasho inay ka qeyb galaan.
Sheekh Shaakir ayaa taageeray go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya hore ugu diray Baarlamaanka Galmudug ee ahaa in muddo 45 Cisho ah dib loo dhigo.
Siyaasiyiin badan ayaa aamisan in Ahlu sunna aysan daacad ka ahayn ku biiritaanka Galmudug oo ay raadineyso marmarsiiyo ay qiil uga dhigato inay gooni u taagnaato.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA