Madaxweynaha maamulka Ahlu suna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Sheekh Shaakir ayaa socdaalkiisu la xiriiraa wadahadal ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Maamulka Galmudug iyo Ahlu sunna oo dowladda federaalka ay dhexdhexaadineyso.
Wafdiga madaxweynaha Ahlu suna oo garayay 4 xubnood waxaa ka mid ahaa ciidamo gaara uu sugaya ammaanka madaxweyne Sheekh Shaakir, iyadoo garoonka diyaaradaha Muqdisho ay kasoo degeeen ciidamadaasi oo la socday madaxweynaha Ahlu suna.
Arrintan ayaa noqoneysa madaxweynihii labaad ee maamul oo Muqdisho u soo kaxeysta ciidamo ilaaliya ammaankiisa, iyadoo uu hore ugu caan baxay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.
Wadani.com