Madaxweynaha Algeria Abdimajid Tebun ayaa ka digay in dalka Liibiya uu ku socdo sidii Soomaaliya oo kale, isagoo ka digay in wax laga qabto xaaladda dalkaasi.
Madaxweynaha Algeria oo wareysi siiyey TV-ga France 24 ayaa sheegay in xaaladda Liibiya ay la mid tahay dalka Syria oo dagaalada ka dhacay ay dalal badan ku lug yeesheen, laakiin wuxuu ka digay inay Liibiya noqoto Soomaaliya cusub oo kale.
Abdimajid Tebun wuxuu sheegay in dalalka Waqooyiga Afrika ee Carbeed looga baahan yahay inay dadaal u galaan sidii xal loogu heli lahaa xaaladda ka taagan dalka Liibiya si looga hortago in Liibiya ay marti wadaddii Soomaaliya.
“Xaaladda Liibiya waxay noqon kartaa mid ka darran sidii dalka Syria, haddii aan la gaarin heshiis nabadeed iyo xabad joojin.. waxaan ka baqayaa in qabiil waliba uu is hubeeyo, kadibna ay xaaladdu la mid noqoto sida Soomaaliya oo kale..” ayuu yiri Madaxweynaha Algeria.

Soomaaliya ayaa inta badan loo soo qaataa tusaaleyaasha xun sida dowladaha fashilmay, waxayna in muddo ah Soomaaliya koobka u siday tusaalooyinka la isku cabsiiyo.