Madaxweynaha dalka Cuba Miguel Díaz-Canel Bermúdez ayaa xiriir khadka telefoonka ah lasoo sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qoraal kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xaqiijiyey inuu xiriir dhinaca telefoonka ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Cuba Miguel Díaz-Canel Bermúdez oo la soo xiriiray caawa, ayna ka wadahadleen sidii labada dal ay u soo ceshan lahaayeen xiriirkii diblomaasiyadeed.
Cuba ayaa qeyb ka ahayd ciidamadii faragelinta ku sameeyay dagaalkii 1977 ee Somalia iyo Itoobiya, iyadoo oo la saftay Itoobiya oo ciidamo fara badan oo ka barbar dagaalama u dirtay, waxaana muddo dheer go’naa xiriirka labada dal.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba laga soo afduubtay dalka Kenya, laguna heysto gudaha Somalia. Waxaana falkan lagu tuhunsan yahay ururka Alshabaab.