Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa gaaray magalada Jigjiga ee xarunta maamulkaasi, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay.
Boqolaal dadweyne iyo mas’uuliyiin ayaa ku soo dhoweeyay magaalada Jigjiga markii uu madaxweynaha Mustaf Muxumad Cumar ka degay Garoonka Garaad Wiilwaal ee Jigjiga, waxaana markiiba loo galbiyey xarunta Barlamaanka DDSI ee magaalada Jigjiga, halkaasoo lagu ansixiyey magacaabidiisa laguna dhaariyey.
Madaxweynaha cusub ayaa ka sheegay magaalada Jigjiga inuu ka shaqeyn doono sidii uu mideyn lahaa dadka Soomaalida, isla markaana looga shaqenyn lahaa nabada degaanka Soomaalida, waxaana wafdigiisa ka dhex muuqday siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macalin.