Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ku sugan Muqdisho kadib markii loo doortay madaxweyne ayaa kulamo la yeeshay madaxda dowladda iyo Safiirka UK ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xaaf ayaa iska xaadiriyay safaaradda Ingiriiska oo ay uu ku qaabilay safiirka UK David Concar, waxaana shirka looga hadlay shirka London, arrimaha Galmudug iyo dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlu suna.
Dhinaca kale Madaxweyaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Shirka ayaa looga hadlay taageerada Galmudug iyo Shirka London ee Bishaan 11-keeda ka dhici doona Wadanka Ingiriiska.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday madaxweynaha cusub ee Galmudug inuu waanwaan la galo Ahlu suna, kana shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa labada maamul.
Wadani.com