Madaxweynaha la doortay ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhaqaaqay xil ka qaadistii ugu horeeyay ee uu ku sameeyay mas’uul ka tirsan maamulkiisa.
Mudane Waare ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim, sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Jowhar, iyadoo loo magacaabay guddoomiyihii horeĀ Cali Jeyte Cismaan.
Wareegtooyinka magacaabista iyo xil ka qaadista ayaan weli la shaacin. iyadoo lala sugayo waqti kooban inta uu xafiiska kala wareegayo madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle.
Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Cumar Aadan Ibraahim ayaa hore u taageeray madaxweynihii xilka laga qaaday ee Cali Cabdulaahi Cosoble, isagoo qeyb ka ahaa olole maamul gaara loogu magacaaabayay Hiiraan oo fashilmay.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle caleema-saarkiisa kadib uu degdeg u booqan doono magaalada Beledweyne.