Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid C/llaahi Deni oo Sabtida loo caleemo saarayo xilka loo doortay 8-da bishan Janaayo ayaa soo saaray caawa amar culus ka soo saaray magaalada Garowe.
Madaxweyne Deni ayaa wareegto uu soo saaray ku faray laamaha amniga ee Gobolka Nugaal, inaan la qaban karin wax kulamo siyaasadeed ah inta uu socdo Caleema-saarka Madaxweynaha oo dhacaya Maalinta Sabtida ee 26-ka bishan Janaayo 2019.
Amarkan ayaa quseeya siyaasiyiinta kala taageersan dowladda Federaalka iyo kuwa Mucaaradka ah oo laga hortegyo inay magaalada Garowe u bedelaan goob uu dagaal siyaasadeed ku dhex maro labada dhinac.
Maamulka Puntland ayaa u gooni yeelay wixii arrimo siyaasadeed ah khudbaddaha xafladda caleemasaarka Madaxweynaha oo dad kala duwan lagu casuumay, si meesha loo saaro loolan siyaasdeed.