Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddoomiyey shirklii ugu horeeyay ee Golaha xukuumadda Puntland, iyadoo uu wehliyo madaxweynaha xilka banneynaya C/weli Gaas.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee la doortay Axmed Cilmi Cismaan, iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, waxaana loo hadlay marxaladda kala guurka ah iyo sidii loo xilka lagu kala wareegi lahaa.
Waxaa socota qabanqaabada caleemo saarak madaxweynaha cusub ee Puntland, iyadoo uu si rasmi ah xilka ula wareegi doono soona magacaabi doono gole wasiiro oo cusub.