Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay in xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug inay la noqdaan mooshinka ay ka keeneen.
Baaq uu ka soo saaray Muqdisho ayuu Cabdikariin Xuseen Guleed nasiib darro ku tilmaamay mooshinka oo uu sheegay mid aan habooneyn xilligan oo dalka uu ku jiro xaalad adag in la abuuro xiisad siyaasadeed.
Wuxuu ugu baaqay xildhibaanada Galmudug inay iska iloobaan mooshinka, kana qeyb qaataan gurmad loo fidinayo dadka ku dhibaateysan degaanada Galmudug sida uu yiri.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii xildhibaano ka badan 50 oo Galmudug ka tirsan ay diyaariyeen mooshin xil ka qaadis ah iyadoo olole ka wada magaalada Cadaado, taasoo cabsi weyn ku abuurtay Madaxweynaha Galmudug.
DHAGEYSO