Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaale Xaaf ayaa goor dhoweyd ka degay Magaalada Cadaado ee xarynta Galmudug.
Madaxweyne Xaaf oo diyaarad uu kasoo raacay Imaaraadka Carabta ay ka gegtay magaalada Hargeysa ayaa diyaarad kale u soo qaatay magaalada Cadaado oo uu degdeg ugu soo laabtay, kadib markii xiisad siyaasadeed ka dhalatay go’aankii uu ku taageeray Isbaheysiga Imaaraadka iyo Sacuudiga.
Dadweyne, Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka magaalada Cadaado. Waxaana loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Galmudug. Xaaf ayaa la filayaa inuu qaboojiyo xiisadda ku furantay, iyadoo ay ka hor yimaadeen ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
SAWIRRO