Madaxweynaha Galmudug ayaa xilkii ka qaaday wasiir ka tirsan golihiisa wasiiradiisa, kadib qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xilkii looga qaaday Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Galmudug Axmed Dubad Cali, waxaana xil ka qaadistiisa sabab looga dhigay inuu gudan waayay shaqadii loo igmaday.
Xil ka qaadista wasiirkan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo wasiiro dhowr ah ay xilka iska casilayaan.
Hoos ka akhriso Wareegtada
Wadani.com