Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ay wehliyaan iyo xubno isugu jira, wasiiro, xildhibaano, mas’uuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan ayaa maanta salaaddii ciidul fitriga ku tukaday masjidka Isbaheyga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dheer ka jeediyay Masjidka Isbaheyga Islaamka ayaa sheegay in maalmaha farxada maanta oo kale shacabka looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, ayna is cafiyaan si loo xoojiyo midnimadooda.
Masjidka Isbaheysiga ayaa si weyn loo adkeeyay ammaankiisa iyadoo madax badan oo dowladda ka mida ay halkaasi salaad ciida ku tukaadeen.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]