Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa kala diray maamulkii Gobolka Hiiraan isagoo magacabay maamul cusub.
Isbedelka ayaan imaanaya iyadoo muddo dhowr bilood ah uu magacaaban, waxaana si lama filaan ah xilka looga qaaday Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga Axmed Inji.
MAGACYADA MAAMULKA CUSUB:
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan: Cumar Aadan Baadiyoow
Guddoomiye ku-xigeenka/amniga: Maslax Maxamed Cismaan
Guddoomiye ku-xigeenka/ maamulka: C/rashiid Sheekh Cali
Guddoomiye ku-xigeenka/Maaliyada Qaalid Bashiir Cali
Guddoomiye ku-xigeenka/bulshada: Sheekh Xusseen Cismaan Cali
Xoghayaha Gobolka Hiiraan Cabdulle Nuur Guure
MAGACYADA MAAMULKA MAGAALADA B/WEYNE:
Guddoomiyaha degmada Beledweyne: Aadan Axmed Xeefoow
Duqa degmada Beledweyne: Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle
Amarkan ayaa dhaqangalay maanta markii uu saxiixay madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble.
Wadani