Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in gobolka Hiiraan lagu dhacay lacag faalso ah oo lagu daabacay Puntland.
Madaxweyne Cosoble ayaa ka sheegay Magaalada Baledweyne, kadib markii uu kulan la qaatay ganacsatada Magaalada Baledweyne hantidoodii dadka loogu bedelay lacago waraaqo ah Shilin Somali faalso ah, kadibna la diiday.
Cosoble, ayaa tilmaamay Maamulka Puntland inay ka doonayaan magdhaw ku aadan lacagaha faalsada ah ee deeganada Hirshabelle soo galiyeen, maadaama Puntland ay ka yimaadeen lacagahaasi.
“Waxaan halkaan ku aragnaa waxaa waaye umad dhacan, umad hantidooda nool laga qaatay looguna bedalay waraaqo lasoo sameeyay, xaqiiqda waxay tahay ganacsiga ugu badan dadkaan waxay la leeyihiin dowlad goboleedka Puntland, waxay dadkaan ka marqaati ka cayaan in lacago been abuur ah lagu daabacayey Puntland in wax looga iibsan jiray dowlad goboleedka Hirshabelle ka hor, waxaan ugu yeereynaa madaxda iyo shacabka Puntland inay dadkan hantidooda meel ku sheegaan…” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.
DHAGEYSO