Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkiisa ayaa guddoomiye u magacaabay Gobolka Shabeelada Dhexe.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilka Guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe si rasmi ah ugu magacaabay Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee hore isla markaana ahaa kusimaha Axmed Meyre Makaraan.
Axmed Meyre ayaa si kumeelgaara xilkan u sii hayay tan iyo intii guddoomiyihii hore ee gobolka Cali Guudlaawe uu noqday madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle.
Cali C/llaahi Cosoble oo muddo la badan laba bilood ku sugnaa magaalada Muqdisho, qeybna ka ahaa ololaha doorashada ayaa weli laga sugayaa golaha Wasiirada maamulkiisa.
Wadani.com