Warark alaga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in isbedel cusub lagu sameeyay liiska musharixiinta Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle oo xalay uun soo baxay.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa dib ula noqday liiskii musharixiinta ee uu shaaciyay xalay, waxaana isbedelka uu saameyn ku yeeshay dhowr kursi, kadib markii la kala bedelay musharixiinta qaarkod.
Isbedelka ayaa loo sameeyay si loo xaqiijiyo hubinta qoondada haweenka, waxaana ugu yaraan laba kursi hadda ku tartamaya haween kaliya.
Guddiyada doorashada ayaa maamulka Hirshabeelle ku qasbay inay qoondada haweenka u hogaansamaan, waana tan keentay in isbedelkan lagu sameeyo liiska musharixiinta Aqalka sare ee maamulkan kadib markii la shaaciyay saacado gudahood.