Ganacsatada magaalada Baledweyne iyo maamulka Hirshabeelle ayaa kulan ay yeesheen ku soo bandhigay lacagtii jahwareerka ka abuurtay suuqyada magaalada Baladweyne.
Kulan ka dhacay Magaalada Baledweyne oo ay ka qeyb galeen Madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle sida Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Wasiiro ayay kusoo bandhigeen lacagahaasi oo ay sheegeen in ay kala kulmeen dhibaato xooggan.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo ka hadlay kulanka, ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay ka doonayaan magdhaw, maadaama lacagta faalsada ah ay ka timid deganada Puntland.
“Waxaan halkaan ku aragnaa waxaa waaye umad dhacan, umad hantidooda nool laga qaatay looguna bedalay waraaqo lasoo sameeyay, xaqiiqda waxay tahay ganacsiga ugu badan dadkaan waxay la leeyihiin dowlad goboleedka Puntland, waxay dadkaan ka marqaati ka cayaan in lacago been abuur ah lagu daabacayey Puntland in wax looga iibsan jiray dowlad goboleedka Hirshabelle ka hor, laakiin nasiib darro lacagihii sidaasi ahaa oo maalin walbo hantidooda ku bedalanyey la yiraahdo raali ahaada cid qaadaneysa malahan.” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan Ganacstada soo gelisay deegaanada Hirshabeelle lacagtaasi Faalsada ah.
SAWIRRO