Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa xilkii ka qaaday qaar ka mida guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Hiiraan, isagoo xilkaasi u magacaabay xubno cusub.
Cali C/llaahi Cosole ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Qalafow iyo Guddoomiye ku xigeenka Beledweyne ee Maaliyada Muuse Cabdi Daahiye. Waxaa kaloo uu xilka ka qaadayguddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan Sheekh doon Faarax Waare.
Xubnaha cusub ee xilkaasi loo magacaabay ayaa kala ah guddoomiyaha degmada Beledweyne oo loo magacaabay Maxamed Axmed Ibraahim (Foodcadde), Guddoomiye ku xigeenka Baladweyne waxaa isna loo magaacabay Khadar Xasan Afrax, halka Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan loo magacaabay Ducaale Aadan Cabdi.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa la sheegay inuu soo jeediyay xil ka qaadista mas’uuliyiintan.
Wadani.com