Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo aan weli xilka loo caleemo saarin ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii degmada Balcad Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole).
Madaxweyne Waare ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu xilka Guddoomiyaha degmada Balcad u magacaabay Qaasim Cali Nuur oo hore u soo ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii Federaalka.
Madaxweynaha cusub oo sidoo kale aan magacaabin golihiisa wasiirada ayaa xilka ka qaaday laba mas’uul oo uu ugu horeeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, waxayna labada mas’uul ee uu xil ka qaadista ku sameeyay ayaa bilo kooban xilka hayay.
AKHRISO WAREEGTADA